Soomaaliya (Dawan)– Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay inay 10-ka bisha Abriil qabanayaan shirweyne ballaaran oo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, inkastoo aan weli la shaacin goobta rasmiga ah ee lagu qaban doono.
Shir ay goluhu maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lagu go’aamiyay qabashada shirweynahan, sida lagu caddeeyay war-saxaafadeed ka soo baxay kulankaas.
Golaha ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid looga tashanayo mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo dib-u-eegista dastuurka.
Goluhu wuxuu tilmaamay in go’aanka shirweynaha la qaatay kaddib markii ay burbureen wada-hadallo u socday iyaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo la xiriiray heshiis laga gaari lahaa hannaanka doorashooyinka. Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyay mas’uuliyadda fashilka wada-hadalladaas.







