Muqdisho (Dawan)- Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laalay go’aan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ku saabsanaa in xilalka Agaasime Waaxeedyada ee hay’adaha dowladda lagu buuxiyo hannaan tartan furan. Arrintan ayaa Golaha la horgeeyay kaddib markii ku dhowaad 30 xildhibaan ay guddoonka u gudbiyeen mooshin ay kaga dalbanayaan in laga doodo go’aanka Ra’iisul Wasaaraha, waxaana lagu daray ajandaha fadhiga.
Dood saacado qaadatay ayay xildhibaannadu kaga hadleen waxa ka dhalan kara in wax laga beddelo nidaamka iyo sharciyada lagu maamulo shaqaalaha rayidka ah.
Qaar ka mid ah xildhibaannada ayaa ku dooday in go’aanka uu saameyn ku yeelan karo shaqaalaha hadda haya xilalka Agaasime Waaxeedyada, iyo in dadka qaar ay waayi karaan xilalkii ay hayeen.
Doodda kaddib, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo kulanka guddoominayay, ayaa cod geliyay in go’aanka Ra’iisul Wasaaraha la laalo. 136 xildhibaan ayaa u codeeyay in go’aanka la laalo, halka laba xildhibaan ay diideen, laba kalena ay ka aamuseen.
“Waxaa ka aamusay laba xildhibaan, waxaa diiday in la laalo laba xildhibaan oo kale, waxaana oggolaaday 136 xildhibaan,” ayuu yiri Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow.