Baydhabo (Dawan) – Xaflad ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay 95 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Munaasabadda dhaarinta waxaa ka qeyb galay hoggaamiyaha Kumeelgaarka ah ee Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, iyo musharraxa xilka madaxweynaha maamulkaas, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), kuwaas oo hadallo ka jeediyay munaasabadda.
Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa uga mahadceliyay Guddiga Doorashooyinka iyo dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay qabsoomidda dhaarinta xildhibaannada cusub.
“Waxaan uga mahadcelinayaa guddiga doorashooyinka iyo dhammaan ka qeybgalayaasha dadaalkii ay geliyeen habsami u socodka dhaarinta xildhibaannada. Waxaan Alle ka baryayaa in xilkan loo dhaariyay uu noqdo mid si hufan loogu guto waajibaadka loo igmaday,” ayuu yiri.


