Hargeysa (Dawan)- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa dalbaday Isniintii baaritaan madax-bannaan oo lagu sameeyo dilkii Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan, oo meydkiisa laga helay magaalada Muqdisho bishii Febraayo 2024. Qaraar lagu dalbanayo in Cabdinaasir uu caddaalad helo ayaa waxaa taageeray 41 ka mid ah 42 xildhibaan oo fadhiga joogay, halka guddoomiyuhu uusan codeyn, sida lagu dhawaaqay intii uu socday fadhiga golaha.
Cabdinaasir, oo kasoo jeeday Somaliland kana tirsanaa shaqaalaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, ayaa Muqdisho lagu dilay 18-kii Febraayo 2024.
Qaraarka ayaa dilkiisa ku tilmaamay mid sharci-darro ah, wuxuuna ku andacooday in loogu bartilmaameedsaday degaanka uu kasoo jeeday. Hase yeeshee, qaraarku ma soo bandhigin caddeymo taageeraya sheegashadaas, mana jirto xaqiijin madax-bannaan.
Golaha ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay dilka, isaga oo magacaabay mas’uuliyiin sare oo uu sheegay inay ku lug lahaayeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Salaad iyo Agaasimaha Hay’adda Duulista Rayidka Axmed Macallin.
Qaraarku ma soo bandhigin caddeymo muujinaya ku lug lahaanshaha mas’uuliyiinta la magacaabay. Dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta lagu eedeeyay ayaan si rasmi ah uga jawaabin eedeymahan cusub.