Muqdisho (Dawan) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ansixiyay mashruuca wax-ka-beddelka Sharciga Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda iyo wax-ka-beddelka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee lambarkiisu yahay (28), kaas oo la soo saaray Nofeembar 2024. Ansixinta waxay ka dhacday kulan aan caadi ahayn oo golaha uu yeeshay fiidnimadii Talaadada, waxaana guddoominayay Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
War-saxaafadeed ay soo saartay Xukuumadda ayaa lagu caddeeyay in wax-ka-beddelku uu ujeeddadiisu tahay in labada sharci la waafajiyo qodobada Dastuurka Jamhuuriyadda, maadaama la ansixiyay ka hor intaan dastuurka la ansixin. Warka ayaa intaas ku daray in wax-ka-beddelku uu taabtay 23 qodob oo ka mid ah sharciga doorashooyinka iyo 8 qodob oo ka mid ah sharciga ururrada iyo axsaabta siyaasadda.
Wax-ka-beddelku wuxuu dhigayaa in muwaadiniintu ay si toos ah u doortaan xubnaha golayaasha deegaanka, golayaasha sharci-dejinta ee dowlad-goboleedyada iyo xubnaha labada aqal ee baarlamaanka federaalka. Golayaashaas ayaa iyaguna dooranaya masuuliyiinta, laga bilaabo Duqa degmada ilaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda.