Muqdisho (Dawan) – Turkiga ayaa Talaadadii furay dugsi dib loo dayactiray, wuxuuna aasaaska u dhigay isbitaal ku yaal degmada Warshiikh. Warshiikh oo ah magaalo xeebeed u dhow Muqdisho, halkaas oo Ankara ay ka dhisayso xarun dayax-gacmeed.
Wasiirka Gaashaandhigga ee xilka ka degaya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa goobjoog ka ahaa xariga-jarka dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee magaalada iyo dhigista aasaaska isbitaalka degmada ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Waxaa sidoo kale ka qaybgalay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Ferhat Alkan, taliyaha howlgalka tababarka ciidamada Turkiga ee TURKSOM, Sareeye Gaas Sabahattin Kalkan, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Hirshabeelle.
Fiqi wuxuu sheegay in dugsiga dib loo dhisay, lagana qalabeeyay fasallo casri ah, koronto cadceed, buugaag iyo boorsooyin ardayda loogu talagalay. Wuxuu u mahadceliyay dowladda Turkiga, Madaxweyne Rajab Tayyib Erdogan, safaaradda iyo shirkadda difaaca ee Baykar, oo uu sheegay inay goobo ka dhistay deegaanka.
"Dadka Warshiikh aad ayay u nasiib badan yihiin," ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray inay heleen dugsi, adeeg caafimaad iyo isbitaal aysan helin degmooyin kale oo Soomaaliya ah.