Muqdisho (Dawan)– Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa Talaadadii xaqiijiyay in dalku u hanqal taagayo inuu kor u qaado iskaashiga uu la leeyahay Ingiriiska. Wuxuu sidaas ku sheegay xaflad lagu qabtay Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho, laguna xusayay dhalashada Boqor Charles III.
"Ujeeddadeennu waa inaan iskaashigan iyo saaxiibtinimadan hore u sii qaadno. Waxaan aragnaa fursado ballaaran oo lagu xoojin karo wadashaqaynta, laguna ballaarin karo xiriirka dhaqaale iyo horumarineed, loona xoojin karo wadashaqaynta mudnaanta labada dal ka dhexeysa, oo ay ku jiraan nabadda, amniga, waxbarashada iyo u adkaysiga isbeddelka cimilada," ayuu yiri Xamse Cabdi Barre.
Ra'iisul wasaaruhu wuxuu xaqiijiyay in Soomaaliya ay qiimeyso kaalinta Ingiriiska ee dadaallada dowlad-dhisidda, xoojinta amniga, dib-u-soo-kabashada dhaqaalaha iyo horumarinta hay'adaha. Wuxuu tilmaamay muhiimadda taageeradaas xilli dalkiisu ku dadaalayo xoojinta horumarka la gaaray iyo hirgelinta ajandaha isbeddelka qaranka.