Galmudug (Dawan)— Doorashada hoggaamiyaha dowlad-goboleedka Galmudug iyo ku-xigeenkiisa ayaa loo asteeyey 22-ka Oktoobar 2026, sida ku cad jadwal uu shaaciyey Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Jadwalka ayaa dhigaya in 18-ka Oktoobar la qabto doorashada guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib marka la dhammaystiro diyaar-garowga iyo dhaarinta xildhibaannada golaha.
Sida ku cad jadwalka, 13-ka Oktoobar ayaa loo asteeyey shaacinta Golaha Wakiillada Galmudug, halka 14-ka iyo 15-ka Oktoobar ay soconayaan diyaar-garowga xildhibaannada.
Dhaarinta xildhibaannada ayaa la qorsheeyey 16-ka Oktoobar, halka 17-ka Oktoobar la qaban doono diiwaangelinta musharraxiinta u tartamaya guddoomiyaha iyo ku-xigeennada Golaha Wakiillada.