Galmudug (Dawan) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay in doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug la qaban doono 20-ka Luulyo 2026, kadib diyaargarow ballaaran oo ka socday maalmihii lasoo dhaafay degmooyinka gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Guddiga ayaa sheegay in 215,860 codbixiye ay iska diiwaangeliyeen labada gobol ee Galmudug, taas oo qayb ka ah hannaanka doorashada qof iyo cod.
Sida xogta guddiga lagu sheegay, 116,590 codbixiye ayaa laga diiwaangeliyay gobolka Mudug, halka 99,270 codbixiye laga diiwaangeliyay gobolka Galgaduud.
Guddigu wuxuu sidoo kale sheegay in 117,305 codbixiye (54.38%) ay yihiin rag, halka 98,555 codbixiye (45.62%) ay yihiin dumar, iyadoo diiwaangelintu ka dhacday 1,633 goobood oo kala duwan.