Soomaaliya, 5 Nofeembar 2025 — Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEC) ayaa sheegay inuu wajahayo dhibaatoyin dhaqaale oo culus, xilli uu socda hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee dalka e edoorashooyinka Qof iyo Codka ah..
Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariim Axmed Xasan, oo ka hadlayey talaadadii munaasabad lagu soo bandhigay Warbixinta Qiimeynta Madaxa-bannaan ee nidaamka diiwaangelinta,iyo xogta codbixiyaha ayaa sheegay in guddigu uu shaqadiisa sii wado inkastoo aysan helin dhaqaalihii lagama maarmaanka u ahaa oo ay heysato caqabad dhaqaale.
“Iyadoo ay jirto dhibaato dhaqaale oo weyn oo aanan helin dhaqaalihii loo baahnaa, haddana waxaan go’aansannahay inaan gudanno waajibaadka na saaran,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariim.
Guddigu sidoo kale wuxuu marar hore xusay inuusan weli helin maalgelin caalami ah, isagoo tilmaamay in dowladda federaalka ay tahay isha kaliya ee ay ka sugayaan taageerada dhaqaale, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay Dawan TV.
Arrintan ayaa imanaysa iyadoo dowladda federaalka ay qorsheyneyso in la qabto doorashada golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir kdhammaadka sanadkan. Sidoo kale, miisaaniyadda qaran ee 2026 ayaa markii ugu horreysay lagu daray kharash gaar ah oo loogu talagalay qabashada doorashooyinka, kaas oo qayb ka noqon doona miisaaniyadda guud ee qaranka.



