Muqdisho (Dawan) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay xarigga Sacdiya Macallin Cali, oo muddo ka badan bil ku xiran Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, iyadoo aan weli maxkamad la horgeyn ama dacwad rasmi ah lagu soo oogin.
War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in xubno ka tirsan guddiga ay 29-kii Abriil 2026 booqdeen Xabsiga Dhexe ee Muqdisho si ay ugu kuurgalaan xaaladda xabsiga iyo tan Sacdiya Macallin Cali.
Guddigu wuxuu sheegay in intii ay booqashada ku jireen ay warbixin ka dhegeysteen mas’uuliyiinta Ciidanka Asluubta iyo maamulka Xabsiga Dhexe, isla markaana ay xog-wareysi gaar ah la yeesheen Sacdiya iyo qareenkeeda.
Sidoo kale, guddigu wuxuu sheegay in Sacdiya Macallin Cali ay xabsiga dhexdiisa kala kulantay dhibaatooyin ay ka mid yihiin cunto yari, cabsi-gelin, ciriiri, nadaafad-xumo, hawo yari iyo xadidaad lagu sameeyay booqashooyinka qoyskeeda.
Guddigu wuxuu xusay inuusan si madax-bannaan u xaqiijin karin eedeymahaas, balse wuxuu ku baaqay in baaritaan buuxa oo madax-bannaan lagu sameeyo si loo ogaado xaqiiqda jirta.


