Muqdisho (Dawan) – Barnaamijka Irmaan Podcast, oo ah madal ganacsi oo hal-ku-dhiggeedu yahay “Maxaa ku soo maray”, ayaa wareysi dheer lagula yeeshay Guddoomiyaha iyo Aasaasaha shirkadda First Somali Takaful Insurance (FISO), Maxamed Cabdi Maxamed oo lagu tilmaamo mid ka mid ah hormuudka dib-u-soo-nooleynta adeegyada caymiska casriga ah ee Soomaaliya kadib burburkii dowladnimada.
Barnaamijka, oo uu daadihiyo Cabdullaahi Salaad, wariye ka tirsan Dawan isla markaana haysta shahaadada koowaad ee dhaqaalaha oo uu ka qaatay SIMAD University, gaar ahaan qaybta Statistics and Planning, ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay safarkii ganacsi, sharci iyo aragti ee ka dambeeyay dhismaha FISO iyo guud ahaan soo nooleynta fikradda caymiska ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha FISO ayaa sheegay in fikradda caymisku aysan ahayn mid si fudud bulshada uga dhex hirgashay, gaar ahaan xilli dalka uu kasoo kabanayay burbur siyaasadeed, dhaqaale iyo hay’adeed. Wuxuu tilmaamay in markii hore dad badan ay u arkayeen qof “waalan” oo wada mashruuc aan Soomaaliya ka shaqeyn karin, balse markii dambe isla dadkii shaki ka qabay ay u hambalyeeyeen kadib markii uu ku adkeystay aragtidiisa, kuna guuleystay inuu qayb ka noqdo dhismaha nidaam caymis oo dalka ka shaqeeya.
Wareysiga ayaa si gaar ah loogu faahfaahiyay marxaladihii uu soo maray Sharciga Caymiska Soomaaliya, oo sida uu sheegay dadaalkiisu billowday sanadkii 2018 kuna dhammaaday sanadkii 2025, markii ugu dambeysay ee la ansixiyay isla markaana uu saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wuxuu xusay in geeddi-socodkaasi uu lahaa caqabado badan, oo ay ka mid ahayd xilli uu sheegay in World Bank ay diiday maalgelinta sharciga, taas oo sababtay in howshu qaadato waqti dheer, dulqaad iyo dadaal dheeraad ah.
Guddoomiyuhu wuxuu ku dooday in helitaanka sharci caymis oo rasmi ah uu muhiim u yahay kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, ilaalinta hantida ganacsatada iyo dhisidda kalsoonida u dhexeysa shirkadaha, maalgashadayaasha iyo macaamiisha. Sida uu sheegay, caymisku ma aha oo keliya adeeg ganacsi, balse waa nidaam yareynaya khasaaraha lama filaanka ah, una oggolaanaya ganacsatada iyo qoysaskaba inay helaan difaac dhaqaale marka ay dhacaan dhibaatooyin ka baxsan awooddooda.
“Wax yar ayaad bixineysaa, wax weyn ayaa masuuliyaddiisa la qaadayaa,” ayuu ku yiri wareysiga, isaga oo sharxayay sida caymisku uga shaqeeyo ilaalinta ganacsiga iyo hantida.
Guddoomiye Maxamed Takaful ayaa sheegay in shirkadda First Somali Takaful Insurance (FISO) ay bixiso adeegyo caymis oo waafaqsan shareecada Islaamka, gaar ahaan nidaamka Takaful, ayna diiradda saarto xalal caymis oo loogu talagalay qoysaska, ganacsiyada iyo hay’adaha la shaqeeya Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah.
Adeegyada ay shirkaddu bixiso waxaa ka mid ah caymiska gaadiidka, safarka, badda iyo xamuulka, injineernimada, caafimaadka, beeraha iyo adeegyo kale oo ganacsi.
Guddoomiyaha FISO ayaa sidoo kale ka hadlay caqabadda ka dhalata shirkadaha ajaanibta ah ee dalka ka shaqeeya, kuwaas oo caymiska ka soo qaata dalal kale halkii ay adeeggaas ka heli lahaayeen shirkadaha gudaha. Wuxuu sheegay in arrintaasi ay dalka ka lumiso fursado dhaqaale, canshuur, xirfado shaqo iyo koboc ay heli lahaayeen shirkadaha caymiska ee Soomaaliya.


