Muqdisho (Dawan) — Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa digniin u diray siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo sheegay in dowladda aysan ka gorgortami doonin amniga caasimadda, isla markaana ay ka jawaabi doonto tallaabo kasta oo uu ku tilmaamay mid khatar gelinaysa nabadgelyada Muqdisho.
Muungaab oo hadalkan ka jeediyey bandhigga ganacsiga ee Som Suq Expo ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ay xor u yihiin inay aragtiyahooda siyaasadeed cabbiraan, balse aan la aqbali doonin tallaabooyin uu sheegay inay wax u dhimayaan amniga magaalada.
“Laakiin amniga haddaad far u soo dhaqaajisid, laba far baa lagu soo dhaqaajinayaa. Dowladdu ka gorgortami mayso amniga,” ayuu yiri Muungaab.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymaha uu sheegay inay siyaasiyiinta qaarkood u jeediyaan xaaladda amniga, gaar ahaan hadallada ku saabsan in la doonayo in la dilo ama la weeraro.
“Yaa arkay qof siyaasi ah oo gurigiisa loogu tegay?” ayuu weydiiyey, isagoo sheegay in siyaasiyiintu ay guryahooda ku joogi karaan, isla markaana ay sii wadan karaan dhaqdhaqaaqyadooda siyaasadeed.