Muqdisho (Dawan)— Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Arbacadii, dhagax-dhigay xarun cusub oo xabsi ah oo laga dhisayo Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka ee Muqdisho, sida uu sheegay ciidanku.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ah kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa kormeerka ku kulmay madaxda ciidanka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray amniga Muqdisho, adkaynta difaaca caasimadda iyo wada shaqaynta hay’adaha amniga iyo difaaca, sida lagu sheegay warka ciidanka.
Waxaa kormeerka ku weheliyay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Ibraahim Maxamed Maxamuud. Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo taliyaha Taliska Sahanka iyo Sirdoonka, Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare)ayaa sidoo kale goobta joogay,