Beijing (Dawan)– Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa Sabtidii ku baaqay in la ilaaliyo anshaxa saxaafadda, isagoo ka hadlayay Shirweynaha Toddobaad ee Warbaahinta Adduunka oo ka socda magaalada Beijing, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA).
Wasiirka ayaa ku baaqay in is-afgaradka ka soo baxa shirka loo beddelo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo xirfadaha suxufiyiinta, lagu ballaarinayo helitaanka tiknoolajiyadda, laguna ilaalinayo anshaxa saxaafadda. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in saxnaanta wararka iyo mas’uuliyadda tifaftirku ay udub-dhexaad u yihiin casriyeynta warbaahinta, sida ay sheegtay SONNA.