Jabuuti (Dawan) – Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay xallisay sababihii keenayay soo noqnoqoshada dabka ka kici jiray qabuuraha Ambouli ee duleedka caasimadda, kaddib hawlgal ballaaran oo lagu sameeyay nadaafadda iyo amniga goobta, sida ay Sabtidii sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee ADI.
“Waxaan meesha ka saarnay sababihii kala duwanaa ee gacan ka geystay dabkii soo noqnoqday,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Hantida Waqfka, Muumin Xasan Barre, oo la hadlay Raadiyaha iyo Telefishinka Jabuuti (RTD).
“Walaacayaga ugu weyn waa inaan ilaalinno goobtan ay waalidiintayadu ku aasan yihiin, dibna ugu soo celinno qaddarinteeda,” ayuu yiri wasiirku.