Muqdisho (Dawan) — Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in go’aanka xil-ka-qaadistiisa uu ka dhashay dacwado dhowr ah oo maxkamaddu go’aanno ka gaartay, kuwaas oo ay ka mid yihiin dacwad la xiriirta doorashadii Galmudug iyo mid dastuuri ah oo ku saabsan muddo-xileedka madaxweynaha.
Baashe ayaa sheegay in xil-ka-qaadista ay barbar socdeen cadaadis, handadaad iyo cagajuglayn lagu hayo garsoorayaasha, isagoo arrimahaas ku xiriiriyay dacwadaha siyaasadeed iyo kuwa dastuuriga ah ee maxkamadda la horgeeyay.
"Xil-ka-qaadista la sheegayo, cadaadiska, handadaadda iyo cagajuglaynta lagu hayo garsoorayaasha waxay ka dhasheen dhowr dacwadood oo is biirsaday," ayuu yiri Baashe.
Wuxuu sheegay in Maxkamadda Sare ay waxba kama jiraan ku tilmaantay dacwad la xiriirtay doorashadii ka dhacday Dowlad-goboleedka Galmudug, taas oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah go’aannada salka u ah khilaafka hadda jira. Baashe ayaa sidoo kale sheegay in maxkamaddu ay isla maalintii lagu dhawaaqay xil-ka-qaadistiisa dhegeysatay oo ay go’aan ka gaartay dacwad dastuuri ah oo ku saabsan muddo-xileedka madaxweynaha.
"Isla maalintii uu soo baxay go’aanka lagu sheegay xil-ka-qaadista, maxkamaddu waxay dhegeysatay oo ay go’aan ka gaartay dacwad dastuuri ah oo ay ku xukuntay in muddo-xileedka madaxweynuhu dhammaaday 15-kii May," ayuu yiri.