Muqdisho (Dawan) – Hay’adda samafalka ee Qatar Charity ayaa Isbitaalka Daarusalaam ee Muqdisho ku wareejisay 12 mashiin oo casri ah oo loogu talagalay kalyo-dhaqista , si loo xoojiyo adeegyada caafimaad ee bukaannada qaba cudurrada kelyaha, sida ay hay’addu sheegtay Sabtidii.
Guddoomiyaha Qatar Charity ee Soomaaliya, Cabdifitaax Aadam Macallin, ayaa sheegay in kororka baahida loo qabo daaweynta cudurrada kelyaha uu hay’adda ku dhiirrigeliyay inay ka qaybqaadato wax ka qabashada caqabadaha haysta bukaannada kelyuhu shaqada gabaan, gaar ahaan kuwa aan awoodin inay iska bixiyaan kharashka kalyo-dhaqista. Wuxuu sheegay in taageeradani ay tahay dadaal bani’aadannimo oo lagu garab istaagayo bukaannada u baahan daaweyn joogto ah, laguna yareynayo culayska dhaqaale ee haysta, sida lagu sheegay qoraal ay hay’addu ku baahisay boggeeda Facebook.
Maamulka Isbitaalka Daarusalaam ayaa sheegay in mashiinnadu ay sare u qaadi doonaan tayada adeegga kalyo-dhaqista, isla markaana ay kordhin doonaan awoodda isbitaalka ee u adeegidda bukaannada u baahan daaweyntan.