Ankara, 10 Janaayo 2026 (Dawan) — Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland uusan ahayn tallaabo lama filaan ah, balse uu ahaa mashruuc istaraatiiji ah oo la qorsheeyay laba sano ka hor, ka hor inta aan si ku-meel-gaar ah loo hakinin.
Isagoo wareysi gaar ah siiyay telefishinka TRT Haber fiidnimadii Jimcaha, Fidan ayaa tilmaamay in qorshahaas la joojiyay kaddib markii Turkigu door muuqda ka qaatay isu-soo-dhoweynta Itoobiya iyo Soomaaliya, taas oo hoos u dhigtay xiisadihii gobolka isla markaana xoojisay wada-shaqeynta Addis Ababa iyo Muqdisho.
“Mashruuca Somaliland wuxuu ahaa mashruuc la rabay in la hirgeliyo laba sano ka hor. Markii aan isu keennay Itoobiya iyo Soomaaliya, markii aan mideynay, si lama filaan ah ayaa mashruucaas looga tanaasulay,” ayuu yiri Fidan.
Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in mashruucaasi dib loo soo nooleeyay kaddib markii Israa’iil ay la kulantay go’doon siyaasadeed oo gobolka ah, gaar ahaan dagaalkii Qasa kaddib, taas oo uu ku tilmaamay inay dhalisay dhaqdhaqaaqyo juquraafi-siyaasadeed oo cusub oo ka curtay Geeska Afrika.






