Muqdisho (Dawan)– Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in albaabka wada hadallada u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa uu weli furan yahay, inkastoo caqabado siyaasadeed iyo faragelin dibadeed ay dib u dhac ku keeneen geeddi-socodkii wadahadallada labada dhinac.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, oo ka hadlayay xaaladda wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay weli ka go’an tahay xal lagu gaaro wada hadal iyo hannaan nabadeed.
Isagoo marti ku ahaa barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media, ayuu sheegay in dowladda Federaalka aysan marnaba xirin albaabka wada xaajoodka.
Wuxuu xusay in sanadihii ugu dambeeyay ay jireen duruufo adag oo saameeyay wada hadallada, kuwaas oo uu sheegay inay qeyb ka ahaayeen faragelinno dibadeed.
“Wadahadalladu mar walba dhankayaga way ka furnaayeen, duruufo adagna sanadihii ugu dambeeyay way yimaadeen, oo dalal shisheeye ay gacan weyn lasoo galeen qaddiyaddaas,” ayuu yiri, Salaax
Saalax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in faragelintaasi aysan ku koobnayn dalalka deriska ah oo keliya basle ay jiraan dalal ka fog gobolka inkasta oo uusan magacooda xusin.
Inkasta oo uu qiray in arrimahaasi dib u dhac ku keeneen wada hadalladii labada dhinac, ayuu haddana sheegay in dowladda Federaalka ay weli aaminsan tahay in Somaliland lagu soo dabaali karo hannaan siyaasadeed oo ku dhisan wadahadal iyo is afgarad.
“Arrintaasi dib u dhac ayay ku keentay wada hadalladii, laakiin mar walba Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in Somaliland lagu soo dabaalo hannaan nabadeed oo wada xaajood ku dhisan, awood-qeybsi ku dhisan, caddaalad ku dhisan iyo wadajir ku dhisan,” ayuu yiri.


