Muqdisho (Dawan) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa xaqiijisay in 984 duullimaad oo aan haysan oggolaansho rasmi ah ay ka degeen Garoonka Diyaaradaha Boosaaso intii u dhexeysay sannadihii 2024 iyo 2025, sida lagu sheegay warbixin muuqaal ah oo uu habeenimadii Talaadada baahiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV).
Warbixinta ayaa sheegtay in duullimaadyadaas ay fuliyeen diyaarado ay leeyihiin shirkado gaar loo leeyahay oo u kiraysnaa Imaaraadka Carabta. Diyaaradahan ayaa lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen hawada Soomaaliya, iyaga oo aan fasax ka haysan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.
Sida ay warbixintu sheegtay, 316 duullimaad ayaa dhacay sannadkii 2024, halka 668 kalena ay dhaceen sannadkii 2025. Waxaa sidoo kale la sheegay in duullimaadyadaas lagu daabulayay calooshood-u-shaqaystayaal Kolombiyaan ah oo loo qaadayay dagaalka Suudaan.
Warbixintu waxay magacawday 12 shirkadood oo diyaaradeed oo ay sheegtay inay ku lug lahaayeen duullimaadyada aan sharciga waafaqsanayn: Fly Sky Airlines, New Way Cargo Airlines, Zibo Air, Ruby Star Airlines, Avia Consulto Trans, Aero Star, Abakan Air, Fanjed Airlines, Juan Airlines, Galaxy Airlines, Sapsan Airlines, iyo Skyline
Warbixinta ayaa sidoo kale soo bandhigtay faahfaahinta duullimaadkii Muqdisho lagu keenay hoggaamiyaha Golaha Kala-guurka Koonfurta Yemen, Caydaruus Al-Zubaydi, kaas oo dowladda Yemen ay ku eedaysay dambiyo dagaal. Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa xaqiijisay in 7-dii Janaayo 2026 Al-Zubaydi si qarsoodi ah loogu keenay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo la adeegsanayay diyaarad nooceedu ahaa IL-76TD.