Jabuuti (Dawan) – Jabuuti iyo Madagascar ayaa Talaadadii kala saxiixday saddex heshiis oo iskaashi, maalintii ugu horreysay ee booqasho rasmi ah oo uu Madaxweynaha Madagascar, Michaël Randrianirina, ku joogo Jabuuti, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Dowladda Jabuuti (ADI).
Heshiisyada ayaa la kala saxiixday intii uu socday kulan shaqo oo ballaaran oo ay labada wafdi ku yeesheen Madaxtooyada Jabuuti. Kulanka waxaa guddoominayay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyo dhiggiisa Madagascar.
Heshiiska koowaad waa heshiis guud oo iskaashi, kaas oo noqonaya qaab-dhismeed sharci oo lagu saleeyo iskaashiyada mustaqbalka ee labada dal, sida ay sheegtay ADI.
Heshiiska labaad waa is-afgarad ku saabsan habka wada-tashiga labada geesoodka ah, kaas oo u oggolaanaya Jabuuti iyo Madagascar inay si joogto ah isula yeeshaan wadatashi heer siyaasadeed.