Muqdisho (Dawan)– Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa sheegtay in dhammaan warbaahinta, shirkadaha dalxiiska iyo dadka ka shaqeeya arrimaha dhaqanka ay tahay inay iska diiwaangeliyaan wasaaradda, ruqsadna ka qaataan. Waxay ka digtay in aan la qaban karin waxqabad la xiriira qaybahaas iyada oo aan la haysan oggolaansho sharci ah.
"Dalka laguma faafin karo, lagamana shaqayn karo wax aan sharci loo haysan, hadday tahay dhaqan, dalxiis ama warbaahin intaba," ayuu yiri Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Cabdullaahi Xayir Ducaale, oo ka hadlay muuqaal la baahiyay Talaadadii.
Ducaale ayaa sheegay in qof kasta oo ka shaqeeya warbaahinta, ha ahaado urur, shakhsi ama koox, uu u baahan yahay ruqsad si uu wax u baahiyo, u daabaco ama u faafiyo. Shuruuddan ayaa khusaysa telefishinnada, idaacadaha, warbaahinta kale iyo madbacadaha. Wuxuu soo xigtay Sharciga Warbaahinta, oo uu sheegay in Baarlamaanku laba jeer ansixiyay, Madaxweynuhuna uu ku soo saaray digreeto.
Dhinaca dalxiiska, wuxuu sheegay in dhammaan shirkadaha, ururrada iyo shakhsiyaadka ka shaqeeya dalxiiska ay tahay inay iska diiwaangeliyaan waaxda dalxiiska ee wasaaradda. Wuxuu intaas ku daray in aan shirkad, urur ama shakhsi dalxiisayaal dalka keeni karin isaga oo aan haysan shati. Wuxuu sidoo kale sheegay in dad badan ay baraha bulshada ku faafinayaan inay carwooyin dalxiis ku qabanayaan goobaha waaweyn ee Muqdisho, isaga oo caddeeyay in aan cidina qaban karin carwo noocaas ah iyada oo aan ruqsad ka haysan wasaaradda.