Muqdisho (Dawan) – Inta u dhexeysa 30,000 ilaa 50,000 oo hektar oo dhul-beereed ah oo ku yaalla Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa si xoog ah loogu wareejiyay maalgashadayaal Imaaraati ah si loogu beero moos. Arrintan ayaa sababtay barakicinta beeraley Soomaaliyeed oo dhulkaas beeranayay jiilal badan, sida lagu sheegay warbixin muuqaal ah oo uu habeenimadii Talaadada baahiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV).
Warbixinta oo soo xigatay hay’ado dowladeed ayaa sheegtay in dhulka lagu muransan yahay uu ku yaalla labada dhinac ee Webiga Jubba, gaar ahaan inta u dhexeysa deegaannada Yoontooy iyo Saanguni, oo u dhow magaalada dekedda leh ee Kismaayo.
Warbixinta ayaa sheegtay in shirkado iyo shakhsiyaad u shaqeeya Imaaraadka Carabta ay ku lug lahaayeen barakicinta dadka iyo waxyeellada deegaanka ee ka dhacday goobtaas.
Sida ay warbixintu sheegtay, dhulkaas waxaa laga sameeyay beero moos. Shaqaalaha ka hawlgala waxaa ka mid ah ajaaniib u dhalatay Costa Rica oo u kiraysan Imaaraadka, kuwaas oo sidoo kale la sheegay inay tababar ciidan siinayaan maleeshiyaadka deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujiyay jarista geedaha miraha sida cambe, liin iyo babaay, kuwaas oo muddo dheer ka bixi jiray dhulkaas. Waxay sheegeen in tallaabooyinkaas ay waxyeelleeyeen noloshooda iyo deegaankooda.
Warbixinta ayaa sheegtay in in ka badan 400 oo maleeshiyaad ah ay ilaaliyaan goobahaas, kuwaas oo la sheegay inay bishii qaataan mushaar u dhexeeya 200 ilaa 300 oo doollar.