Addis Ababa (Dawan)— Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa Talaadadii ka qayb-galay kulan heer sare ah oo looga hadlay maareynta xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.
Kulanka oo qayb ka ahaa Shirka Caalamiga ah ee Caafimaadka Dadweynaha Afrika (CPHIA 2026), ayaa diiradda lagu saaray hoggaaminta iyo isku-duwidda gurmadka caafimaadka, gaar ahaan dalalka ay ka jiraan colaadaha, dhibaatooyinka bani’aadannimo iyo caqabadaha dhaqaale.
Kulanka waxaa ka qayb-galay Madaxweyne Ku-xigeenka Uganda, Jessica Alupo, wasiirrada caafimaadka dalalka gobolka, madaxda Xarunta Afrika ee Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada (Africa CDC), iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah. Wasiirka ayaa soo bandhigay waayo-aragnimada Soomaaliya ee joogteynta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah xilliyada xaaladaha degdegga ah, isaga oo ku baaqay in adeegyada caafimaadka la gaarsiiyo dadka nugul, gaar ahaan carruurta, haweenka iyo bulshada ku nool deegaannada ay adag tahay in la gaaro.