Muqdisho (Dawan) — Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in ceelka shidaalka ee Curad-1 laga qodi doono badda dowlad-goboleedka Galmudug, isagoo bixiyay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goobta mashruuca.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media, wasiirka ayaa sheegay in ceelka laga qodi doono goob u dhaxeysa xeebaha u dhexeeya Mareeg iyo Xarardheere.
“Curad-1 waxaa laga qodayaa badda ku toosan Dowlad-Goboleedka Galmudug, gaar ahaan inta u dhaxeysa Mareeg ilaa Xarardheere,” ayuu yiri wasiirku.
Wuxuu intaas ku daray in goobtu aad uga fog tahay berriga, isla markaana ay ku taallo meel qoto dheer oo badda ah.


