Addis Ababa (Dawan) — Guddoomiyaha Guddiga Wadatashiga Qaran ee Itoobiya, Prof. Mesfin Araya, ayaa sheegay in geeddi-socodka wadatashiga qaran uu marayo marxalad wanaagsan oo rajo leh, iyadoo la sii xoojinayo dadaallada lagu gaarayo is-afgarad, sida uu sheegay Telefishinka SRTV Somali.
Prof. Mesfin ayaa sheegay in 250 kooxood oo ka mid ah kooxaha wadatashiga ay hadda ku howlan yihiin dib-u-eegista iyo isku-dubaridka ajandayaasha ay diyaariyeen, ka hor inta aan loo gudbin marxaladda xigta oo ay ka qayb qaadanayaan 500 kooxood.
Wuxuu sheegay in inta badan kooxaha 250-ka ah ay soo gabagabeeyeen diyaargarowgooda, isla markaana la filayo in la soo afjaro shaqada isku-dubaridka fikradaha iyo talooyinka ay soo bandhigeen.
Marxaladda xigta, kooxaha ka kooban 500-ka xubnood ayaa si qoto dheer u falanqeyn doona fikradaha la soo ururiyay, iyagoo diyaarinaya talooyin iyo natiijooyin loo gudbin doono shirweynaha guud ee wadatashiga qaran.