London (Dawan) – Madaxa Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO), Arsenio Dominguez, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo 44 badmaax oo ay haystaan burcad-badeed iyo kooxo hubeysan oo ka hawlgala xeebaha Soomaaliya sida uu sheegay, iyadoo ay sii kordhayaan weerarrada badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Sida lagu sshegay qoraal kasoo baxay IMO maanta oo Isniin ah, Dominguez ayaa sheegay in badmaaxyadan lagu haysto saddex markab oo la qafaashay intii u dhaxaysay bilihii April iyo May, kuwaas oo kala ah MT Honour 25, Eureka iyo Sward.
Waxa uu sheegay in shaqaalaha markabku ay wajahayaan xaalad bini’aadantinimo oo sii xumaanaysa, oo ay ka mid yihiin cunto iyo biyo yari, iyo cabsi joogto ah oo la xiriirta rabshado.
“Dhacdooyinkani waa xasuusin cad in khatarta burcad-badeedda iyo weerarrada hubeysan ee badmaaxyada aysan yaraan,” ayuu yiri Dominguez, isagoo ku baaqay in si wadajir ah loo qaado tallaabo lagu xaqiijinayo sii deyntooda.