Jabuuti (Dawan)— Hay’adda Qaranka Biyaha iyo Fayadhowrka Jabuuti (ONEAD) ayaa heshiis iskaashi la saxiixatay shirkadda Faransiiska ah ee injineernimada iyo rakibidda nidaamyada korontada ee SOC, kaas oo lagu xoojinayo xirfadaha farsamo ee shaqaalaheeda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee ADI.
Heshiiska waxaa kala saxiixday Agaasimaha Guud ee ONEAD, Maxamed Fu’aad Cabdo, iyo Madaxweynaha shirkadda SOC, Benoît Poinsot.
Sida lagu sheegay warbixinta, heshiiska ayaa SOC u oggolaanaya inay taageerto farsamayaqaannada ONEAD dhinacyo kala duwan oo la xiriira maamulka shabakadaha biyaha iyo kaabayaasha fayadhowrka.