Jabuuti (Dawan)– Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa dhiggiisa Madagascar, Michaël Randrianirina, u soo jeediyay in labada dal ay dhisaan iskaashi dhinacyada dekedaha iyo badda ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Dowladda Jabuuti (ADI).
Geelle ayaa soo jeedintan ka jeediyay kulan ballaaran oo ay labada wafdi ku yeesheen Madaxtooyada Jabuuti Talaadadii, maalintii ugu horreysay ee booqasho rasmi ah oo laba maalmood ah oo uu Randrianirina ku joogo Jabuuti.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa xusay iskaashiga dhinaca badda ah ee haatan ka dhexeeya labada dal. Iskaashigaas waxaa ka mid ah Xeerka Anshaxa ee Jabuuti, oo ah heshiis heer gobol ah oo lagula dagaallamayo burcad-badeedda, kaas oo la ansixiyay 2009-kii, iyadoo uu garwadeen ka ahaa Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO). Waxa kale oo iskaashiga ka mid ah xarunta gobolka ee isku-dubbaridka xogta badda, oo xarunteedu tahay Madagascar, isla markaana la socota dhaqdhaqaaqyada badda ee galbeedka Badweynta Hindiya.
"Iskaashigan wuxuu ku salaysnaan karaa dhowr dhinac: is-weydaarsiga khibradaha maamulka dekedaha, tababarka, dijitaaleynta howlaha saadka iyo horumarinta kaabayaasha gaadiidka iyo xamuul-qaadista," ayuu yiri Geelle.
Wuxuu sheegay in labada dal ay sameeyaan guddi dekedeed oo wadajir ah, kaas oo hormuud ka noqda hirgelinta iskaashiga. Wafdiga Madagascar waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Dekedda Toamasina, Hertiana Randriamâhoaka. Dekedda Toamasina waa dekedda ugu weyn dalka Madagascar.