Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee Soomaaliya (SoDMA) Maxamuud Macalin ayaa sheegtay inay bilaabeyso hay’adda diyaarinta gargaar degdeg ah oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen colaadaha iyo barakaca ka socda degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin, ayaa sheegay in dagaallada qabiilka ee halkaas ka socda ay isu beddeleen musiibo bani’aadamnimo, isagoo tilmaamay in hay’addu ay ku howlan tahay ururinta iyo dirista agabka degdegga ah sida teendhooyin, dhar, daawooyin iyo raashin.
“Xaalad adag ayaa dalka ka jirta, iyadoo abaar iyo dhibaato hore u heysay shacabka. Colaadda ka socota Wanlaweyn waxay noqotay musiibo kale. Waxaan amray in wixii teendhooyin, dawooyin iyo raashin la heli karo la diyaariyo si degdeg ah,” ayuu yiri Maxamuud Macalin.







