Muqdisho (Dawan) — Hay'adda Qatar Charity ayaa degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir ka hirgelisay xarun caafimaad oo cusub, taas oo la filayo inay adeegyo caafimaad siiso ku dhowaad 50,000 oo qof oo ku nool degmada iyo deegaannada ku dhow, sida ay sheegtay Qatar Charity Soomaaliya.
Xaruntan oo lagu magacaabo Sheekh Ciid bin Maxamed Al Thani, waxaa si wadajir ah xarigga uga jaray Safiirka Qatar ee Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi bin Saalim Al Nucaymi, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeybgalay xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir, Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud, Agaasimaha Xafiiska Qatar Charity ee Soomaaliya, Cabdifataax Aadan Macallin, mas'uuliyiin heer degmo ah, odayaal dhaqameed iyo dadweynaha deegaanka.
Xarunta caafimaadka ayaa laga dhisay dhul cabbirkiisu dhan yahay 2,000 oo mitir oo laba jibbaaran, waxaana loogu talagalay inay daboolo baahiyaha caafimaad ee bulshada Garasbaaley iyo deegaannada ku dhow, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool degmada.
Xarunta ayaa ka kooban qeybaha hooyada iyo dhallaanka, adeegyada daryeelka haweenka uurka leh iyo kuwa umusha, qeybta gargaarka degdegga ah, qeybta karantiilka, raajada, shaybaarrada caafimaadka, tallaalka iyo qeybta diiwaangelinta iyo xogta caafimaadka. Waxaa sidoo kale xarunta laga hirgeliyey farmashiye, maqaaxi, goobo cagaaran iyo adeegyo kale oo muhiim ah, iyadoo lagu rakibay nidaamka tamarta qorraxda si loo taageero joogteynta adeegyada caafimaadka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen, ayaa furitaanka xarunta ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka gobolka, isla markaana bulshada loogu soo dhoweynayo adeegyada ay u baahan yihiin. Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar iyo hay'adda Qatar Charity taageerada ay ka geysteen hirgelinta mashruuca, isagoo sheegay in maamulka gobolka uu ka shaqeyn doono horumarinta adeegyada xarunta iyo sidii loo heli lahaa shaqaale caafimaad oo aqoon leh iyo dawooyinka lagama maarmaanka ah.