Soomaaliya, 5 November 2025 — Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) ayaa ku dhawaaqday in si ku-meelgaar ah loo joojiyay bixinta fiisooyinka muddada-dheer ee laga qaato xafiisyada gobollada, iyadoo go’aankani dhaqan geli doono laga bilaabo 5 November 2025.
Go’aankan ayaa lagu soo saaray wareegto uu saxiixay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, waxaana lagu sheegay inuu qayb ka yahay dadaallo socday oo dib-u-habeyn iyo casriyeyn ah oo nidaamka fiisooyinka, si loo xaqiijiyo u hoggaansanaanta Sharciga Socdaalka Soomaaliya iyo Xeerka Socdaalka ee lagu dhaqaaqay Amar Madaxweyne.
War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in dhammaan codsiyada fiisooyinka muddada-dheer laga bilaabo 5 bisha si gaar ah looga baaraandegi doono xarunta dhexe ee hay’adda ee Muqdisho, ilaa laga soo afjaro habraacyada cusub ee shaqo.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegtay in joojintan ay tahay mid ku-meelgaar ah, isla markaana ay qeyb ka tahay dadaallada lagu hagaajinayo nidaamka socdaalka dalka, lana jaanqaadi doona heerarka caalamiga ah ee maamulka fiisooyinka iyo adeegyada socdaalka.



