Muqdisho (Dawan) – Shirkadda Hormuud Telecom ayaa ballanqaadday inay taageero iyo maalgelin u fidin doonto Machadka cusub ee Daraasaadka Indonesia iyo Afrika (IIIAS), kaas oo dhowaan laga daahfuray magaalada Muqdisho.
Shirkaddu waxay machadka ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga aqooneed, cilmi-baarista iyo xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya, Indonesia iyo dalalka kale ee Afrika.
Bashiir Cabdullaahi Sahal, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hormuud Telecom, oo ka hadlay munaasabadda daahfurka machadka, ayaa sheegay in IIIAS uu wax weyn ka tari doono horumarinta waxbarashada sare, cilmi-baarista, hal-abuurka iyo is-dhaafsiga aqoonta.
Isagoo ku hadlayay magaca Hormuud Telecom iyo hay’adaha la shaqeeya, Bashiir ayaa bogaadiyay maamulka Jaamacadda Hormuud, macallimiinta iyo ardayda, isagoo ku ammaanay dadaalka lagu hirgeliyay machadka cusub.
“Anigoo matalaya Hormuud Telecom, maamulka sare, shaqaalaha iyo hay’adaha kale ee hoos yimaada, waxaan idiin ballanqaadeynaa inaan idin garab istaagno oo aan maalgelinno,” ayuu yiri Bashiir.
Waxa uu xusay in Jaamacadda Hormuud la aasaasay sanadkii 2010 si looga jawaabo baahida loo qabay dhalinyaro Soomaaliyeed oo leh aqoon iyo xirfado la jaanqaadi kara suuqa shaqada, gaar ahaan dhinacyada tiknoolajiyadda, isgaarsiinta iyo cilmiga casriga ah.