Muqdisho (Dawan)— Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, oo hoos tagta shirkadda Hormuud Telecom, ayaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ugu deeqday Shaybaar casri ah oo ICT ah iyo 34 kombiyuutar, kuwaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo waxbarashada tiknoolajiyadda iyo xirfadaha dijitaalka ah ee ardayda jaamacadda.
Shaybaarkan oo laga hirgeliyey xarunta Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxaa si rasmi ah xarigga uga jaray Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, iyo Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan.
Xarunta cusub ayaa lagu qalabeeyey 34 kombiyuutar, sabuurado casri ah oo taabasho ku shaqeeya, qalabka codka iyo agab kale oo muhiim u ah waxbarashada iyo tababarrada ku saleysan Teknolojiyadda Macluumaadka iyo Isgaarsiinta.
Maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa sheegay in shaybaarku wax weyn ka tari doono tayeynta habka waxbaridda iyo waxbarashada, isla markaana uu ardayda siin doono fursad ay si dhow ugu bartaan una adeegsadaan tiknoolajiyadda casriga ah.