Gaarisa (Dawan) – Guddoomiyaha Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, John Otieno, ayaa faray hay’adaha ammaanka inay xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha burcadda ah ee ka howl gala magaalada Gaarisa, isagoo sheegay inuusan aqbali doonin in magaalada ay la wareegaan kooxo dhalinyaro ah oo ku lug leh falal amni darro.
Bilihii la soo dhaafay, magaalada Gaarisa waxaa kordhay falal dambiyeedyo ay geysanayaan dhalinyaro da’doodu u dhaxayso 11 ilaa 20 sano, kuwaas oo adeegsada mindiyo iyo hub kale oo fudud.
Falalkaasi ayaa isugu jira dilal, dhaawacyo, dhac iyo weerarro dhaca xilliyada maalintii, kuwaas oo cabsi geliyay shacabka isla markaana sababay in ganacsiyo badan ay albaabada u laabaan waqti hore.
Otieno ayaa hadalkan ka sheegay kulan amni oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Gaarisa, ku-xigeennadiisa, kaaliyeyaasha guddoomiyeyaasha degmooyinka, madax-dhaqameedyo iyo saraakiil ka tirsan ciidamada booliiska.
Waxa uu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta, isagoo carrabka ku adkeeyay in dhammaan dadka ku lug leh dambiyada la soo qaban doono isla markaana la horgeyn doono sharciga.