Tehran (Dawan)– Telefishinka dowladda Iiraan ayaa waaberigii maanta oo Axad ah xaqiijiyay geerida Hoggaamiyaha Sare ee dalka, Cali Khamenei, kaddib duqeymo ay si wadajir ah u fuliyeen Israa’iil iyo Mareykanka.
Warbaahinta rasmiga ah ee Iiraan ayaa ku dhawaaqday geerida Khamenei, iyadoo wakaaladda Tasnim ay sheegtay in dowladda ay ku dhawaaqday baroor-diiq qaran oo 40 maalmood ah iyo fasax rasmi ah oo 7 maalmood ah.
Sidoo kale, wakaaladda Faaris ayaa werisay in weerarka Sabtidii dhacay ay ku dhinteen gabadha hoggaamiyaha, seygeeda iyo wiil ay ayeeyo u ahayd.






