Kampala (Dawan) – Dowladda Soomaaliya ayaa shir goboleed ay isugu yimaadeen madaxda socdaalka, oo ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, ku soo bandhigtay tusaalayaal baasaboor cusub oo la waafajiyay heerarka Bulshada Bariga Afrika (EAC). Sidaas waxaa sheegay madaxa hay'adda socdaalka ee dalka.
Xuseen Qaasim Yuusuf, Agaasimaha Guud ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, ayaa sheegay in Soomaaliya ay saddexda nooc ee baasaboorka cusub, kan caadiga ah, kan adeegga iyo kan diblomaasiga, u soo bandhigtay madaxda socdaalka ee dalalka xubnaha ka ah EAC. Shirka sannadlaha ah wuxuu soo idlaaday maanta oo Khamiis ah. "Waxaanu halkaan ka soo jeedinnay oon ku soo bandhignay oo aanu u qaybinnay madaxda halkaan tusaale ama sample baasaboorkayaga cusub oo saddexda nooc ah, halkaas oo markii aanu ku soo bandhignay runtii aad loo soo dhoweeyay," ayuu ku yiri Kampala.
Baasaboorka caadiga ah, oo loogu talagalay dhammaan muwaadiniinta, wuxuu leeyahay jaldi buluug ah. Baasaboorka shaqaalaha, oo loogu talagalay mas'uuliyiinta dowladda, waa cagaar, halka kan diblomaasiguna uu yahay casaan, sida ay hay'addu horay u shaacisay. Hay'adda ayaa sheegtay in baasaboorkan elektaroonigga ah ee jiilka saddexaad laga sameeyay polycarbonate, uuna buuxinayo heerarka Hay'adda Duulista Rayidka Caalamiga ah (ICAO).
Xuseen Qaasim Yuusuf, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay hagaajisay nidaamka aqoonsiga qaranka, ayna casriyeysay baasaboorka si uu ula jaanqaado siyaasadda baasaboorka ee EAC. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay sidoo kale soo bandhigtay kaarka aqoonsiga qaranka, oo uu ku tilmaamay kaar mashiin lagu akhrin karo. Wuxuu sheegay in kaarku uu noqon karo dukumenti lagu socdaalo siddeedda dal ee xubnaha ka ah ururka, marka la dhammeeyo siyaasadaha iyo xeerarka saldhigga u ah. Dhanka kale wuxuu xusay in madaxda shirka ay Soomaaliya ku bogaadiyeen inay hawshan ku dhammaystirtay muddo ka gaaban inta ay dalal xubno ah qaarkood ku qaateen inay baasaboorradooda iyo kaararka aqoonsigooda la jaanqaadaan heerarka EAC.