Muqdisho (Dawan) – Shir-cilmiyeedka Lixaad ee Xarunta Maqaasid ee Cilmi-baarista iyo Daraasaadka ayaa maanta oo Khamiis ah ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho. Shirka wuxuu soo saaray baaq ku aaddan midnimada bulshada, dawlad-wanaagga iyo xoojinta hay'adaha caddaaladda ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika.
Shirka oo laba maalmood socday waxaa ka qayb galay culimo, cilmi-baarayaal, khubaro iyo mas'uuliyiin ka kala yimid gudaha iyo dibadda dalka. Cinwaankiisu wuxuu ahaa "Is-dhammaystirka Xadaaradeed ee Geeska Afrika: Hiigsi Istiraatiiji ah oo ku dhisan Maqaasidda Shareecada Islaamka."
Bayaanka gabagabada ayaa sheegay in qabiilku uu yeelan karo door dhexdhexaadin, balse aan loo adeegsan dulmi ama boob. Wuxuu intaas ku daray in nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5 aan loo qaadan nidaam joogto ah. "Nidaamka hadda Soomaalidu ku dhaqanto ee 4.5-ka loo yaqaan waa inaan loo qaadan nidaam siyaasadeed oo joogto ah oo lagu qaybsado xuquuqda bulshada," ayaa lagu yiri bayaanka.
Shirka ayaa ku baaqay in la adkeeyo madax-bannaanida garsoorka iyo hay'adaha kormeerka, lalana xisaabtamo mas'uuliyiinta. Wuxuu sidoo kale ku baaqay in la caddeeyo awoodaha iyo dakhliga u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, iyadoo lala tashanayo bulshada iyo khubarada.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in shuuradu aysan ku koobaanin oo kaliya gaaridda go'aammo. Wuxuu sheegay inay u baahan tahay hay'ado tayo leh, garsoor madax-bannaan, amni, maamul hufan iyo sarreynta sharciga. Bayaanka shirka ayaa sidoo kale ku baaqaya in waddan kasta uu xalliyo dhibaatooyinkiisa siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ka hor inta aan loo gudbin iskaashiga heer gobol.