Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya ayaa Arbacadii daahfurtay ololaha sannadlaha ah ee 16-ka maalmood ee la-dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha. Ololahan ayaa ku soo beegmaya toddobaadyo kadib markii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ansixiyay hindise-sharciyeed muddo dheer hakad ku jiray oo la xiriira kufsiga iyo dembiyada galmada.
Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa ololaha ka furtay Muqdisho. Waxay sheegtay in dowladda ay dhowaan qaaday tallaabooyin la xiriira sharci-dejinta, siyaasadaha ilaalinta xuquuqda haweenka iyo xoojinta nidaamyada lagula dagaallamayo tacaddiyada ku saleysan jinsiga.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada. Codeynta ayaa dhacday 14-kii October, waxaana hindise-sharciyeedka oggolaaday 132 xildhibaan, halka saddex ay diideen, shanna ay ka aamuseen.
Hindise-sharciyeedku weli sharci ma noqon. Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ansixiyay hindise-sharciyeed la xiriira dembiyada galmada sannadkii 2018, balse wuxuu hakad ku jiray muddo sannado ah.
Al-Makhzoumi waxay u mahadcelisay xildhibaannada iyo guddiga xuquuqul insaanka ee baarlamaanka shaqada ay ka qabteen hindise-sharciyeedka, iyadoo sheegtay inay muujiyeen faham ku aaddan dhibaatada ay haweenku kala kulmaan tacaddiyada.