Berbera (Dawan) – Dowladda Imaaraadka ayaa ka daahfurey Somaliland mashruuc guryo dhisid oo qiimihiisu yahay AED 27.5 milyan (qiyaastii $7.5 milyan), sida ay sheegtay wakaalada Wararka Imaaraadka Arbacadii.
Mashruuca waxaa hirgelinaya Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi (ADFD) oo ah hay'ad dowladda Imaaraadka leedahay. Mashruucan waxa lagu dhisayaa 300 oo guryo ah, oo si istiraatiiji ah loo qorsheeyey si ay u daboolaan baahiyaha kala duwan ee qoysaska. Sidoo kale, waxaa lagu hormarinayaa kaabayaasha muhiimka ah sida nidaamyada biyaha, shabakadaha musqulaha iyo wadooyinka gudaha, iyo meelaha cagaaran—iyadoo la abuurayo deegaan dhamaystiran oo ka taageeraya nolol wanaagga dadka deggan.
Mashruucani wuxuu awood u leeyahay inuu hoy siiyo qiyaastii 1,500 qof, waxaana uu kaalin muhiim ah ka qaadanayaa xallinta baahida guryaha ee gobolka, isla markaana abuuri doona fursado shaqo iyo korriin dhaqaale
Sida ay sheegtay wakaalada Wararka Imaaraadka, intii lagu guda jiray xafladda furitaanka, Maxamed Aw-Cali Cabdi, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa ugu mahadceliyey Imaaraadka taageerada joogtada ah ee ay u fidiso iyo inuu aqoonsaday mashruuca inuu yahay horumar muhiim ah oo lagu hagaajinayo xaaladaha nololeed ee Berbera.