Muqdisho (Dawan)– Soomaaliya ayaa wajahaysa caqabado waaweyn oo la xiriira caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, iyadoo dalka uu ka mid yahay meelaha ay aadka ugu badan tahay dhimashada carruurta ka yar shanta sano marka loo eego dalalka gobolka.
Arrimahan ayaa lagu soo bandhigay dib-u-eegis lagu sameeyay Qorshaha Istaraatiijiyadda Caafimaadka Taranka, Hooyada, Dhallaanka, Carruurta iyo Dhallinyarada Soomaaliya ee 2023–2027, kaas oo ay si wadajir ah u sameeyeen Jaamacadda Capital University of Somalia, Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarunta Cilmi-baarista Caafimaadka Dadweynaha Afrika (APHRC).
Dib-u-eegista oo socotay 14–15-kii Nofeembar 2026, ayaa lagu falanqeeyay xog laga ururiyay xarumaha caafimaadka intii u dhexeysay 2022 iyo 2025, si loo qiimeeyo horumarka laga sameeyay hirgelinta qorshaha, loona ogaado caqabadaha weli hortaagan horumarinta adeegyada caafimaadka.
Mid ka mid ah yoolalka qorshaha ayaa ah in dhimashada hooyada la dhimo 44% marka la gaaro sannadka 2027. Tani waxay muujinaysaa baahida loo qabo xoojinta adeegyada caafimaadka hooyada, gaar ahaan xilliyada uurka, dhalmada iyo dhalmada kaddib. Dhanka kale, qiimeyntu waxay tilmaantay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ay aadka ugu badan tahay dhimashada carruurta ka yar shanta sano, iyadoo kaalinta ugu sarreysa kaga jirta dalalka xubnaha ka ah Urur-goboleedka IGAD.