Garoowe (Dawan)- Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Isniintii magaalada Garoowe kula kulmay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Charles King, iyagoo ka wada hadlay xaaladda amniga iyo dardargelinta hawlgallada la-dagaallanka argagixisada ee ka socda deegaannada Puntland.
Sida ay baahisay Puntland State TV, kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Garoowe waxaa ka qaybgalay wafdi uu hoggaaminayay safiirka iyo xubno ka tirsan Puntland.