Hargeysa (Dawan)– Somaliland ayaa dowladda Ingiriiska kala hadashay kordhinta taageerada amniga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgelinta mashaariicda mudnaanta u leh, xilli ay Hargeysa booqasho ku joogto Charlotte Pierre, oo ah madaxa Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta UK.
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa Hargeysa kula kulmay Charlotte Pierre, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga muddada dheer. Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa dowladda Ingiriiska ka codsaday inay sii waddo, isla markaana kordhiso taageeradeeda Somaliland, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Waxa uu sidoo kale London ku boorriyey inay kordhiso maalgelinta Sanduuqa Horumarinta Soomaaliya (SDF), si loo dardargeliyo mashaariicda horumarineed.
Waxa uu sheegay in Hargeysa ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee ay la leedahay UK.