Abu Dhabai (Dawan) - Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa cambaareeysay weerarro ay ku sheegtay in Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigreega (TPLF) iyo isbahaysi hubaysan oo ay ku biirtay ku qaadeen ciidamada federaalka Itoobiya, wuxuuna ku baaqay in colaadda si degdeg ah loo joojiyo.
War ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadku soo saartay Jimcihii ayay sidoo kale ku cambaareysay qabsashada garoomo diyaaradeed oo ku yaalla Tigreega iyo xiisadaha militari ee ka jira gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Axmaarada. Wasaaraddu waxay sheegtay in xaaladdu khatar ku tahay midnimada iyo xasilloonida Itoobiya.