Abu Dhabi (Dawan)- Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday inay la baxayso ciidamada uga haray dalka Yemen, iyada oo ku sababaysay go'aankaas isbeddello amni oo degdeg ah oo ka dhacay dalkaas.
Wasaaradda Difaaca Imaaraadka ayaa bayaan ay ku baahisay wakaaladda wararka ee dowladda, WAM, ku sheegtay in go’aankan uu yimid sababo la xiriira dhacdooyinkii ugu dambeeyay iyo saameynta ay ku yeelan karaan hawlgallada la-dagaallanka argagixisada. Hase yeeshee, Imaaraadku ma shaacin waqtiga rasmiga ah ee bixitaanka.
Go’aanka Abu Dhabi ayaa kusoo beegmaya kaddib markii hoggaamiyaha Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah, taasoo ka dhalatay duqeyn ay hoggaaminayso Sacuudiga oo lala beegsaday dekedda koonfureed ee Mukalla.
Sacuudiga ayaa sheegay in duqeyntaas lagu bartilmaameedsaday shixnad hub ah oo ka timid Imaaraadka, taasoo lagu waday inay gaarto kooxo gooni-u-goosad ah oo Yemen ka dagaallama. Arrintaas ayay Abu Dhabi si cad u beenisay.



