Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa shaaciyay in ilaa hadda badda Soomaaliya laga helay ku dhowaad 263 xirmo (block) oo laga sameeyay sahminno kala duwan, kuwaas oo laga sameeyay baaritaanno iyo daraasado dhanka shidaalka ah.
Wasiirka ayaa sheegay in goobaha ay dowladda Turkiga ka sameeysay sahminta ay haatan gaareen heerka qodista shidaalka, hase yeeshee uu jiro taxaddar weyn oo dowladda ay ka muujinayso natiijooyinka.
“Ma rabno inay wax naga hallaabaan, mana dooneyno inaan bixino qiyaas qaldan,” ayuu yiri wasiirku, isagoo tilmaamay in aan si degdeg ah loo sheegi karin xaddiga shidaal ee si dhab ah loo soo saari karo ilaa ceelasha la qodo.
Wuxuu sidoo kale xusay in qodista shidaalka ay tahay hawl culus oo u baahan maalgelin ballaaran, isagoo sheegay in malaayiin doollar ay ku baxayaan hal mashruuc oo qodis ah.
“Qodista marka aan ka hadalno, waxay ku xiran tahay hadba gunta biyaha la qodayo,” ayuu yiri.
Wasiirku wuxuu intaas ku daray in xogta hore ee sahminta ay muujinayso rajo wanaagsan, balse natiijada dhabta ah ay ku xirnaan doonto ceelka marka si rasmi ah loo qodo.


