Geneva (Dawan) – Soomaaliya ayaa sheegtay in helitaanka adeegyada caafimaadka aasaasiga ah uu kor uga kacay 42% sanadkii 2020 ilaa in ka badan 65% sanadkii 2025, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Cali Xaaji Aadan, xilli uu khudbad ka jeedinayay Shirweynaha 79-aad ee Golaha Caafimaadka Adduunka Arbacadii.
Wasiirka ayaa sheegay in kororka daboolidda adeegyada caafimaadka uu ka tarjumayo dadaallada dowladda ee lagu ballaarinayo adeegyada caafimaadka iyo xoojinta nidaamka caafimaadka dalka, xilli Soomaaliya ay weli wajahayso caqabado la xiriira amniga, isbeddelka cimilada iyo maalgelinta.
“Daboolidda adeegyada daryeelka caafimaadka aasaasiga ah waxay ka korortay 42% sanadkii 2020 ilaa in ka badan 65% sanadkii 2025,” ayuu yiri wasiirku.
Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in heerka tallaalka carruurta uu gaaray ku dhowaad 70%, halka nidaamyada la socodka cudurrada iyo adeegyada caafimaadka dhijitaalka ah la gaarsiiyay 98% xarumaha caafimaadka ee dalka.
Dowladdu waxay sheegtay in kororka helitaanka adeegyada caafimaadka uu ka dhashay maalgelin lagu sameeyay daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, ballaarinta adeegyada hooyada iyo dhallaanka, iyo xoojinta kaabeyaasha caafimaadka ee gobollada dalka.


