Jowhar (Dawan) — Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay 12 degmo oo ka tirsan Hirshabeelle oo lagu qabanayo doorashooyinka isku-sidkan ee goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada dowlad-goboleedka.
Degmooyinka loo asteeyay doorashada ayaa lix ka mid ah ku yaalla gobolka Hiiraan, kuwaas oo kala ah Beledweyne, Jalalaqsi, Buulo Burde, Matabaan, Jawiil iyo Farlibaax, halka lixda kale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay yihiin Jowhar, Balcad, Warsheekh, Cadale, Mahadaay iyo Raage Ceelle.
Doorashooyinkan ayaa qayb ka ah qorshaha Hirshabeelle loogu gudbinayo nidaamka qof iyo cod, kaas oo dadka deegaanka ay si toos ah ugu dooranayaan xubnaha goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada.
Guddiga ayaa hore u qorsheeyay in doorashadu ka dhacdo Hirshabeelle 20-ka Agoosto, balse dib loo dhigay, iyadoo guddigu sheegay in diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ay weli ka socotay afar degmo oo gobolka Hiiraan ah, halka ururrada siyaasadduna ay u baahnaayeen waqti dheeraad ah oo ay ku soo gudbiyaan liisaska musharraxiinta.
Guddigu wuxuu sheegay inuu soo saari doono jadwal cusub iyo taariikhda doorashada marka la dhammaystiro diyaar-garowga.
Doorashada Hirshabeelle waxay ku soo beegmaysaa iyadoo dowlad-goboleedyada kale ay qaadeen tallaabooyin kala duwan oo ku aaddan doorashooyinka qof iyo cod.