Jabuuti(Dawan ) – In ka badan 30 wafdi oo ka kala socday dalal iyo hay’ado caalami ah ayaa shalay ka qeyb galay munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, kadib markii mar kale dib loogu doortay hoggaanka dalkaas, taas oo noqotay markii lixaad oo xiriir ah.
Munaasabadda oo ka dhacday magaalada Jabuuti, waxaa ka qeyb galay madax, wakiillo dowladeed, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka socday dalalka gobolka, kuwa Carabta, Afrika iyo beesha caalamka.
Ka qeybgalka wafdiyada ballaaran ayaa loo arkay mid muujinaya kaalinta diblomaasiyadeed ee Jabuuti ku leedahay gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, gaadiidka badda iyo xiriirka dalalka deriska ah.


